fbpx

21 suaalood oo ganacsade kastaa looga baahanyahay inuu is waydiiyo:

1.Maxay meheradaydu kaga duwantahay meheradaha kale?

2. Maxay kaga duwanaan kartaa?

3.Ma yahay shaygan aan iibinayo mid bulshadu u baahantahay?

4.Baahidee ama mushkiladee ayuu ganacsigaygu daboolayaa ama xalinayaa?

5.Waa kuma macmiilkaygu?

6.Waa maxay yoolkayga ganacsi?

7.Halkeen doonaya inaan 3da sano ee soo socota gaadho?

8.Qaabkeen ku gaadhi karaa hadafkayga?

9.Imisa qaab ayaan hada usuuq gayaa agabka ama adeega aan iibiyo?

10.Sidee ugu haboon ee aan u suuqgayn karaa?

11.Dakhligu halkuu iga soo galaa? Imisa meelood ama qaab oo kale ayuu dakhli ii soo gali karaa?

12.Halkee kharashka u badan iiga baxaa?

13.Qaabkeen kharashaadka u yarayn karaa?

14.Maxaan kaga fiicanahay cida ila tartamaysa?

15.Maxay cida ila tartamaysa iigaga fiicanyihiin?

16.Sadexdii bilood ee u danbeeyay faa’ido intee leeg ayuu ganacsigaygu sameeyey?

17.Shaqaale nooceeya ayaan u baahanahay sidaan u gaadho hadafkayga?

18.Tababar nooceeya ayaan u baahanahay aniga iyo shaqaalahayguba?

19.Maxay macmiilkaygu iga aaminsayihiin?

20.Maxaan hada u baahanahay si aan u horumariyo ganacsigayga?

21. Yaa iga caawin kara horumarinta ganacsigeeyga?

Waqti yar sii oo isku day inaad dhamaan ka wada jawaabto suaalahan. La wadaag cida aad isleedahay way u baahantahay.

Suaalahan iyo 70 kale oo muhiim u ah ganacsatada ayaanu ka caawinaa inay helaan jawaabahooda, hadii aad u baahantahay in lagaa caawiyo helida jawaabahan nala soo xidhiidh waxaanu mar walba u diyaarnahay la talinta, horumarinta iyo kobcinta ganacsatada iyo ganacsiyada.

Guul baanu idiin rajaynaynaa.

#OnwardEndeavors

Hoyga horumarinta iyo kobcinta ganacsatada iyo ganacsiyada.

#Marketing #Sales #Marketresearch #Customerservice #Training #ConsultingAgency #Somaliland #Somalia
#Innovation #Business_Training #Business_coaching #Business_success #Business_planning #Marketing #Digital_Marketing #Entrepreneurship #Ideas #Market_research #Business_events #Business_systems #Investments

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *